Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay dhismayaasha dowladda oo mudadii 20-ka sano aheyd ee ugu dambeysay ay daganaayeen dadka shacabka ah, isagoo Madaxweynaha ugu baaqay dadkaasi inay baneeyeen Xarumahaasi oo ay joojiyaan madax adeega.
Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay inaysan soconeynin qabiil iyo mooryaanimo lagu degnaaado Xarumaha dowladda sida uu hadalka u dhigay, dadka reer Muqdishona hadii aysan diyaar u aheyn dowladnimada aan lagu qasbeyn waxna loo qabanayo dadka diyaarka u ah nidaamka iyo kala dambeynta.
Mudane Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku dhaartay in mashaariicda dalka aysan beer daroobeynin oo ay gaynayaan meelaha diyaarka ah oo ay ku sugan yihiin dadka jecel dowladnimada sida uu hadalka u yiri.
Mudadii 20-ka sano aheyd oo uu dalka ku jiray burburka ayna meeshiii ka baxday dowladdii uu hogaamninayay Janaral Max’ed Siyaad Bare ayaa waxa jiray in dadka shacabka ah qaarkood ay deegaansadeen Xarumaha dowladda maadaama Xarumahaasi aysan helin dowladda xanaaneysa oo dib u dhis ku sameysa kuwaasi oo ay saameyeen marxaladihii kala duwanaa oo uu dalka soo maray.


