b_600_450_16777215_0_http___www.shabelle.net_uploads_4019-full-so.jpg

Labo kamid ah kalluumeysato u dhalatay dalka Vietnam ayaa ka dalbaday qoysaskooda in lagu dadaalo sidii loo sii deyn lahaa iyagoo loo oggolaaday in taleefan kula hadlaan qoysaskooda. Waxaana ay dalbadeen burcad badeeda gacanta ku haysa kalluumeysatadan in la siiyo lacag dhan saddex malyan oo doolar.

Mid ka mid ah kalluumeysatada loo haysto madaxfurashada ayaa sheegay in kabtanka markabka ay ka gooyeen gacanta midig kadib markii ay waayeen burcad badeeda madaxfurashadii ay dalbadeen.

Tran Van Vinh oo ku nool gobol ku yaal waqooyiga Vietnam ayaa sheegay in wiilkiisa   Tran Van Hung uu labo maalmood kahor taleefan soo direy isagoo dalbanaya kaalmo.

Hung ayaa la sheegay markii uu la hadlayay aabihii in uu ooynayay. Waxana uu sheegay in kabtanka markabka gacanta laga gooyay isla markaana ku xigeenkiisii la jirdilay.

Milkiilaha markabka ayaa diidey in uu bixiyo lacagta madax furashada ah ee ay dalbadeen burcad badeeda oo gaareysa saddex malyan oo doolar isagoo sheegay inuusan awoodin inuu bixiyo lacagtaas.

Shaqaalahaan ka soo jeeda qaarada Aasiya ayaa laga soo dejiyey markabkii ay saarnaayeen iyadoo lagu hayo meel howd ah oo ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

Add comment


Security code
Refresh