Kumanaan ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ku soo wajahan Gobolada Koofureed ayaa maanta dhoolatus milateri ku sameeyay duleedka degmada Beledxaawo, kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ciidamadan ka soo tallaabayeen dhinaca xuduuda, fariisimana ka sameysteen deegaanada buuraleyda ah.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan oo aad u fara badan ayaa dhowaan qorsheynaya inay u gudbaan Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.
Dhoolatuska Ciidamadan ayaa saameyn ku yeeshan dhinaca deegaanada xuduuda dhaca ee dalka Kenya, gaar ahaan deegaanka Mandheera oo saaka ay gaarayeen rasaas wiifto ah, si weyna looga maqlayay jugta culus madaafiicda tijaabada ah ee ay ridayeen Ciidamada Itoobiya.
Wariye ku sugan Magaalada Mandheera ayaa soo sheegaya in dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta ay dhoolatuska u sameynayeen Ciidamada Itoobiya laga maqlayay Mandheera, isla markaana ay u maleynayeen dagaalo ka dhacayay dhinaca Beledxaawo.
Saraakiil ka tirsan dowladda oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in dhoolatuskan milateri uu ahaa mid wada jir ah oo ay sameynayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, si ay isugu diyaariyaan duulaan ay dhowaan ku yihiin Gobolada Koofureed.
Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay qeybo ka mid ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo Dowladda Itoobiya ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ku martiqaaday in Ciidamadeeda ay ku gacan siiyaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Gobolada Koofureed.
Magaalada Beledweyn ayaa Ciidamada Itoobiya aheyd magaaladii u horeysay ee ay Al-Shabaab ka saaraan dhamaadkii sanadkii hore.


