Unsupported image type /home2/warbixin/public_html/images/stories/biraha.jpg image/bmp
Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay soo ifbaxayeen khilaaf ba’an oo u dhaxeeya Maareeyaha guud ee Dekedda Muqdisho Sayid Cali Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda Aadan Cabdullaahi Aadan ayaa waxaa soo shaac baxay sababta ka dambeysa khilaafkaan waxaana soo shaacbaxay Documenti uu Wasiirka Dekedduhu u saxiixay kooxo ganacsatado ah kuwaasi oo doonaya inay la wareegaan Biro lagu dhiso marsooyinka ay maaraakiibta kusoo xirtaan balse ay ugu magacdareen iskaraab ama (Scrap Metal).
Maareeyaha Dekedda iyo kuxigeenadiisa ayaa ku adkeystay inaan la rarin Birahan oo faa’iido weyn u leh Dekedda iyo Qaranka Soomaaliyeed
Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda ayaa 17-kii bishaan Janaayo 2012 waxa uu u saxiixay shirkadda Al-Shuwieb Star General Tradinga Company oo ay leeyihiin kooxo ganacsato ah inay qaataan Birahaasi dhex yaala mudadii 20-ka sano aheyd ee la soo dhaafay gudaha Dekedda Muqdisho iyo weliba Markab ku burburay xeebta Dekedda kaasi oo siday dhuxul, waxaana qiimaha lacageed ee Birahan lagu qiyaasay 5 Milyan oo Dollar.
Sida ku xusan Documentiga sirta ah ayaa warqada Wasiirka oo tixraaceysay warqad ka soo baxday taariikhdu markay aheyd 05-01-2012 xafiiska R/wasaaraha oo loogu ogolaanayay ganacsatadan inay qaadan karaan Birahaas.
Wasiirka Dekeddaha ayaa aad uga xumaaday is hortaaga Maareeyaha Dekeda uu ku sameeyay wuxuuna maanta wasiirku soo qoray warqad uu shaqada uga fariisinayo maareeyaha Dekedda Sayid Cali, inkastoo haddana uu dib uga laabtay markii culaysyo kale ay ku yimaadeen .
Birahan lagu dhiso dekadaha ee dhex yaala Dekada weyn ee Muqdisho ayaa waxaa la xasuusan yahay xilligii uu Soomaaliya Madaxweynaha uu ka ahaa C/llaahi yuusuf Axmed in la isku dayey sidan oo kale in la siiyo ganacsato hasa yeeshee arinkaasi ay diidmo ka muujiyeen dad badan oo Muqdisho ku nool.
Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Ra’iisul wasaare Cabdiwali Max’ed Gaas oo ah nin Economist ah isla markaana balanqaaday inuu la dagaalamayo Musuqmaasuqa uu ogolaado qorsheyaal ceykan oo kale ah oo lagu dhacayo hanti Qaran.
Dhanka kale Xildhibaan C/qaadir C/laahi Diiriye oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya ayaa isagoo waxa uu ka hadlay birahani ay leedahay Dekada magaalada Muqdisho oo uu sheegay in Ra’iisul wasaare Gaas uu amar ku bixiyay in loo dhoofiyo Dekada magaalada Boosaaso iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in biraha uu amarka ku bixiyay Ra’iisul wasaaraha in loo dhoofiyo Puntland ay yihiin kuwa loogu tala galay in lagu dayactiro Dekada magaalada Muqdisho, isagoo intaasi raaciyay in hehsiiskaani lala galay Shirkad si gaar ah loo leeyahay islamarkaana ay ka warqabaan Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaadiidka Cirka, dhulka, iyo Dekadaha dowladda KMG Soomaaliya.



