Dab ayaa xalay ka kacay Suuqa Xamar Weyne oo ka mid ah kuwa ugu caansan xiligaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Dabkaan oo bilowday maqirbki ayaa xoogiisa ka dhacay suuqa qudaarta oo hada ah goobto horay loo oran jiray Barxada Yaasiin.
Sida maamulka degmada uu xaqiijiyey dabkaan ayaa socday mudo laba saacadood oo xiriir ah, waxaana lagu guuleystay in laga gaaro oo uusan ku faafin dhismooyinka waaweyn ee baqaarada ah ee ku yaala suuqa.
100-dukaan ayaa la sheegay in Suuqa ay ku basbeleen, waxaana xilli dambe halkaasi gaaray Ciidamada AMISOM oo wata gawaarida nuuca dabdamiska iyo kuwa kale ee dowladda KMG ah kuwaasi oo markii dambe ku guulaystay inay damiyaan.
Ilaa iyo iminka si cad looma sheegi karo hantida halkaasi ku basbeeshay inkastoo xaaladdu ay noqotay mid cakiran, waxaana la sheegay in saakay la wado tiro koob lagu sameynayo qasaaraha ka dhashay dabkaasi.


