Ganacsatadaani ka mid ah dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqa degmada Xamar weyne oo dib u bilaabay dib u yagleelida xarumahoodii ganacsi ayaa waxa ay cabasho ka muujinayaan ciidamo ka tirsan booliska degmadaasi oo ay sheegeen in ay is hortaagayaan.
Qaar ka mid ah dadkii maanta bilaabay dhismaha goobihii gubtay ayaa waxa ay joojiyeen howlaha dhismaha kadib markii sida ay sheegeen ay suuqa soo buuxdhaafiyeen ciidamada booliska degmada Xamar weyne kuwaasi oo dadka ku amrayay in ay dhismaha joojiyaan .
Suuqa degmada Xamar weyne oo ay ka muuqdaan bur bur xaga bilicda dhismaha ah oo uu dabku u geystay ayaa haatan waxa uu u muuqanayaa mid laga rari doono dadkii ku ganacsanayay maadaama dowladda ay sheegtay in laga rarayo halkaasi.


