Ra’iisal waraaha Itoobiya Meles Zanawi ayaa sheegay in dhawaan ciidamada dalkiisa ka jooga Soomaaliya ay ka bixi doonaan, ayna badali doonaan ciidamo ka socda Midowga Afrika.
Meles oo warbaahinta kula hadlay Addis Ababa ayaa sheegay in qorshahoodu aysan ahayn inay Soomaaliya kusii sugnaadaan.
“Qorshaheena wuxuu ahaa inaan taageerno dowladda KMG ah, waana kala baxaynaa ciidamadeena Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan,”ayuu yiri Zanawi.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa ku daray in Midowga Afrika looga baahan yahay inay buuxiyaan booska ciidamada Itoobiya si aan looga faa’iideysan bixitaanka ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay Soomaaliya bartahihii November ee sannadkii lasoo dhaafay, waxaana dhamaadkii December ee isla sannadkaas ay la wareegeen magaalada Baladweyne oo ay gacanta ku haysay Xarakada Alshabab.
Itoobiya ayaa ciidamadeeda soo galisay Soomaaliya dhamaadkii 2006, waxaana ay ka baxeen horaantii 2009 kaddib seddax sanno oo dagaal faraha looga gubtay.


